|
Baladweyne,(insidesomalia.org)-Qarax Miino oo dad ay ku dhinteen ayaa waxaa uu saaka waaberigii ka dhacay gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo ahaa mid wadada dhinaceeda lagu aasay, waxaana uu ku qarxay dad rayid ah oo halkaasi marayay.
Inta laga war hayo labo haween ah ayaa ku dhimatay mid kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray ka diba markii ay saaka waaberigii Miino dhulka lagu aasay kula qaraxdaday agagaarka warshada cabitaanka sameeysa ee Horseed oo ku taal xaafa Baladul amiin ee Magaalad Baladweryne.
Qaraxa Miinada ay haweenkani ku geeriyoodeen ayaa waxaa uu ahaa mid xooga oo si weyn looga maqlayay agagaarka halka ay ku qaraxday waxaana wadada ay miinda ku aasneeyd ay tahay mida isku xirta magaalada Baladweyne iyo buurta Janta Kun dishe halkaasi oo ay si weyn u isticmaalaan Ciidamada Ethiopianka marka ay doonayaan in ay biyo iyo raashiin ka soo qaataan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Haweenkaani oo markii hore dhaawac ahaan loo geeyay cusbitaalka weyn ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay markii danbe ugu geeriyoodeen gudaha cusbitaalka dhaawacii soo gaaray dartiisa.
Si dhab ah looma oga waxa qaraxani dhaliyay waxaana dhowr jeer qarax sidan oo kale ah uu ka dhacay wadadani kaasi oo inta badan lala eeganayay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada Ethiopianka waxaana qarax xooga oo ay ku dhinteen 10 oo rayid ah isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan ayaa waxaa uu bishii April ee sanadkani uu ka dhaca halkaasi kaasi oo lala eeganayay gaari ay saarnaayeen ciidamadii maamulkii hore ee gobolka Hiiraan oo qadar ka hor halkaasi maray.
Qaraxyada joogtada ka noqday wadada dheer ee isku xirta Baladweyne iyo buurta Janta Kundishe ayaa waxaa ay walwal xoogan ku beertay dadka gurayaha ku leh wadada hareeraheeda kuwaasi oo ka cabsi qaba in miinooyinkaasi ay wax yeelo ka soo gaarato iyadoo la aaminsan yahay in miinooyin badan ay ku aasan yihiin wadadaasi dheer.
|